Maalinta Afka hooyo ( modersmålsdagen
Xuska maalinta caalamiga ah ee afka hooyo
Sida ay dadweyne badani ka war qabaan waxa caadi noqotay in loo dabbaaldago maalinta caalamiga ah, ee afka hooyo oo ku beegan 21 febraayo. Xuskan oo adduunka oo dhan laga qaddariyo, loogana dabbaal dago, ayaa diyaar garow muddo dheer aannu soo wadnay ka dib, caawa xaflad aad loo soo agaasimay oo qiimo badan oo lagu qabtay dugsiga Gullingeskolan.
Dugsigan oo ku yaal xaafad ay soomaalidu aad ugu badan tahay oo ku taal magaalada Stockholm ee dalka Swedan, waa xaafadda Tensta´e. Xafladdan lagu maamuusayey maalinta caalamiga ah ee afka hooyo ayaa dadakii ka soo qayb galay, waxa madadaalooyin iyo maaweelooyin, kala duwan u soo ban dhigay aradayda dugsiga, waalidiinta iyo barayaasha oo si wada jir ah u soo qaban qaabiyey xafladan.
Waxyaabaha la soo ban dhigay waxa ka mid ahaa gabayo, geeraarro, buraambur, heeso, carrab jalqim, gaagaaleysi iyo kedis lagu tartamayey oo runtii muujiyey arin lagu farxo, marka loo eego ardaydan oo intooda badani ay ku dhasheen dal shisheeye, haddana sida ay u daadihinayaan uguna hadlayaan afkooda hooyo iyo sida ay suugaantiisa kala duwan ula haystaan, uguna hadaaqayaan. Waxa goobtaa ka hadlay maamulka dugsiga, waalidiin iyo barayaasha afka hooyo oo waalidka uga warramay baahida loo qabo in maalintan afka hooyo aan lagu dhaafin maalintan caalamiga ah ee 21 febraayo laakiin loo baahan. yahay in muddooyin kalena lagu daro. Oo la badiyo maalmaha iyo kulannada. Maamulka dugsiga iyo waalidiintu iyaga oo isku duuban waxa ay ballan qaadeen in maalintan la joogteyn doono, haddaan maalmo kale lagu darin. Suugaantii goobta laga soo ban dhigay waxaa ka mid ahaa gabaygan oo ay wada akhriyeen saddex gabdhood oo dhigta fasalka saddexaad ee dugsiga hoose. Waxana uu ahaa sidan.
Afka hooyo waa hodan
waa hibo Ilaahay
hadyad nooga yeelaye
ummad yahay ku soo horo.
Heesaha macaan iyo
suugaanta hoballada
aad ka haqab beeshaane,
ummad yahay ku soo hiro.
Haddaan hadalku jirin oon
heesaha macaan iyo
gabay lagu hadaaqayn
haddaan hooyo ii tirin
heesihii carruurtiyo
hoobeeyo hoobeey
Marna ma hana qaadeen
hiddahayga wacan iyo
ma barteen hannaankii
afka lagu hor marin jiray.
Ummad yahay hagoogani
habacsanida daayoo
hiddahaa aad leedahaad
dadka kaga horreysaane
ka hirqada xareeddaa,
hoobaanta midhihiyi
haybaddaa ku noolow.
0 Comments
Posted on 24 Feb 2007 by yusuf